Header Ads Widget

waa maxay cryptocurrency? sideese ushaqeesaa?



 Cryptocurrency waa nooc lacag dhijitaal ah oo loogu talagalay in logu dhaqmo si dhexdhexaad isweydaarsi ah. Cryptocurrency waxay caan noqotay tobankii sano ee la soo dhaafay, gaar ahaan, iyadoo Bitcoin ay noqotay lacagta ugu hadal heynta badan ee Cryptocurrency ga . Caadi ahaan, cryptocurrency ga waa elektiroonig-kaliya ma ahan lacag daabacan oo la taaban kara, lacag ta dhijitaalka ah gabigeed wa elektronik xogteeda iyo muuqaal kedaba waxa ay ku jiran tiknoolajida lo yaqaan block-chain.

Cryptocurrency waxa ayidsan  dad badan o ay ka tirsanyihin shaqsiyaadka caalamka ugu hantida badan sababtuna waxa ay tahay lacagta dhijitaalka waxa la maamuli karaa banki la'aan waxa ayna ku fiican tahay xaga ilaalin ta xogta lacagta iyo ka hortaga qiyaano lacageed.  Sidoo kale way adag tahay in been abuur la sameeyo waxaana ugu wacan  nidaamka xakamaynta blockchain ee maamusha lacagta dhijitaalka.

Cryptocurrency waxay ay si weyn ugu so caan baxday suuqa  maalgashiga taaso ay igu wacan tahay kor ukaca lacagta ay samesay tan iyo markii ay so ifbaxday.

.Dhawaan, lacagaha dhijitaalka (cryptocurrencies) waxay arkeen hoos u dhac weyn iyadoo Federal Reserve ay sare u qaadeyso sicirka dulsaarka(interest raye), taaso saameyn weyn ku yeelatay lacagta dhijitaalka gaar ahaan kuwa ugu qaalisan sida  Bitcoin iyo Ethereum, oo ah laba ka mid ah lacagaha ugu caansan, bishi June 2022 waxa mid walbaa hoos ugu dhacay in kabadan 70 boqolkiiba.


Sidee u shaqeeysaa lacagta dhijitaalka(cryptocurrency)? sideese loo sameeya?

lacagaha dhijitaalka waxaa lagu soo saara, oo raad raacaa iyo maareeyn ba logu sameeya waxa loogu yeero Distributed Ledger  sida blockchain.

sameynta lacagaha dhijitalka waxa loo mara hab logu yeero "mining" o ah in tamarta wadarta kombiyuutaro badan lo adeegsado xalinta kala socod ka iyo xaqiijibta la haanshaha iyo kala wareeninta lacagaha dhijitaalka.

kombiyuutarada la adeegsaday dadka iska leh waxa ay abaalmarin u helyaan lacag dhijitaalja oo u dhiganta inta tamar ee kombiyiutarkaas laga isticmaalay. 

Distribiyed ledger waxa uu lacagta dhijitaalka ka saacida sugida lahaanshaha iyo xogta lacagta dhijitaalka iyado la isticmaalayo tamarta kumanaan kombiyuutaro.

 tiknoolajiuada blockchain wa mid lacagta dhijitaalka siisay awooda in lacag walba tixraaceeda la arki karo oo aan been abuur la sameyn karin ama lacag horay ujirtay in markale la daabaco.

Nidaamkan baahsan wuxuu caadi u yahay cryptocurrencies badan, kaas oo ka dhigaya hay'ad dhexe. Taasi waa qayb ka mid ah sababaha sara uqaaday cryptocurrencies sida Bitcoin – waxay ka ilaalisaa dowladaha iyo bangiyada dhexe nidaamkooda, yareynta faragalintooda iyo socodsiinta siyaasadeed.

Si taas loo gaaro, qaar ka mid ah cryptocurrencies, tirada unugyada lacagta ayaa xaddidan. Marka laga hadlayo Bitcoin, nidaamka ayaa loo habeeyay si aan wax ka badan 21 milyan oo bitcoins ah loo soo saari karin.

Faaiidada iyo Khasaaraha lacagaha dhijitaalka

Cryptocurrency waxay dhiirigelisaa fikradaha xiisaha leh ee guud ahaan maal-gashadayaasha. Waa kuwan dhowr sababood oo dadka qaar ay aaminsan yihiin inay tahay tikniyoolajiyad isbadal ah, halka kuwo kalena ay ka walwalaan inay tahay wax xun.


Faa'iidada lacaga dhijitaalka

1. maal qabeenada aduunka waxay u arkaan lacagaha dhijitaalka sida Bitcoin inay tahay lacagta mustaqbalka waxayna u tartamayaan inay iibsadaan hadda,  inta uu  qiimaha lacagaha dhijitaalka (cryptocurrency) jaban yahay si ay uga macaashan marka sarifka kor u kaco.


2. Taageerayaasha qaar waxay jecel yihiin xaqiiqda ah in cryptocurrency ay ka saarto bangiyada dhexe maaraynta lacagta , tan iyo markii ey so ifbaxeen lacagaha dhijitaalka ka dib bangiyadan waxay u muuqdaan inay yareeyeen qiimaha lacagta sicir bararka (inflation).

3.lacagaha dhijitaalka marka loo fiiriyo bankiyada caadiga ah waxa ay uga fiican yihiin xaga sugida amniga lacagta iyo howl fududeenta.

4. waxa ay isticmaalan suuqyada lacagaha dhijitaalka nimaad lo yaqaan "crypto stacking" oo in lacagta kuugu jirta akoonka aad suuqa ku leedahay sida binance ama coinbase hadii aad lacgtaas sanad ka bixin waxa kugu kordhaaya boqolkiiba 35 halka suuqyada qaarba ey tahay boqolkiiba 40.

nidaamkaas ani ahaan ilaa hadda si toos ah ma u baarin in uu yahay xalaal ama xaaraan balse waxa ay igula ektahay dulsaar(ribo) balse waxa ay suiqyadaas ku andacoodaan in ay lacagtaada ku shaqeenayaan oo ay lacgta ey ku siinayan ey tahay faa'iidadi lacagtaadi. inta aadan galin nidaamkaas marka hore iska so hubi.


khaasraha lacagaha dhijitaalka

1. tiknoolajiyada blockchain ee lacagaha dhihitaalka wa mid ila hada si fiican aan loo xaqiijinin oo aan gaarin heerki lagi rabay walina ku jirta wajiga bilawga

2. sarifka lacagta dhijitaalka wa mid hoos udhaciisa iyo kor ukaceeso aan la saadaalin karin, waxa laga yaaba saacado gudahood in ay hal mar hoos gasho ama saacado gudahood ay cirka gasho

3. isticmaalka lacagta dhijitaal ka inta badan dadka kuma dhiiradan sababto ah manta qiimaha ku ogeed beri ma ahaaneso mana ogaan kartid hadii ay hoos u dhaceeso iyo hadii ay kor u kico doonto

4. nidaamka lagu so saaro lacagaha dhijitaal ka waxa uu keeno wasaqoowida hawada deeganka

5. Dowladha intoo badan ila hada ma aysan siin aqoonsi buuxa lacagaha dhijitaal 

FAQs (Frequently Asked Questions)
su'aalaha ugu badan ee la iswediyo


Lacagaha dhijitaalka (cryptocurrency) ma u badali kara lacag sida USD?

lacagaha dhijitaalka oo dhan mid walba waad sarifa oo waxad ka dhiga karta doolar ama pound lacagta rabto.

waxa lagu sarifa suuqyada kala ah

 Coinbase 

Binance

 Coinmama

Bitstamp

CEX.IO

Kraken

iyo kuwa kalo badan.

Somalia marka jogta waxaad kala bixi kartaa Binance adigo isticmaalaya Master ama Visa Card kaga, suuqyada kale inta aan ka warhaayo somaliya ma aqoonsana.


NFT ma waxey ka mid tahay lacagaha dhijitaalka?

NFT(none tangible token) iyo lacagaha dhijitaalka (cryptocurrency) labadaba waxa ay isticmaalam tiknoolajiyada blockchain.

waxa ay ku kala duwan yihiin Cryptocurreny ga waxa lo isticmala lacag ahaan halkan NFT ay alaab lakala gato badankeeduna wa sawiro .

si aad NFT u gadato waxa u bahantahay cryptocurrency (lacgta dhijitaalka) ama lacag caadi ah sida doolarka. 

canshuurta Cryptocurrency?

canshuurta lacagaha dhijitaalka waxa ay ku xerantahay wadanka aad joogto.

wadamada qaar waxa ay waadan canshuur yar halka qaarna ey canshuurtoda badantahay .

waxa canshuurta laga qaadayo lacagaha dhijitaalka ee ku suuqyada maalgashiga iyo shirkadaha ka shaqeysta howlahaas.

lacagaha dhijitaalka malaga aqoonsanyahay aduunka oo dhan?

Cryptocurrency (lacagta dhijitaalka) wadamada qaar wa ay aqoonsadeen halka qaarna ay diiden.

wadamada ay lacagta dhijitaalka mamnuuca ka tahay waxa ka mid ah

China

Egypt

Bolivia

Indonesia

Iran

Colombia

India 

iyo kuwa kalo badan.


Post a Comment

0 Comments