waa maxay E-commerce?
E-commerce waxa laga so gaabshay electronic commerce macnaheeduna yahay suuqa soo iibsashada ama iska iibinta alaab/adeeg iyo kala wareejinta lacagaha & xogta ka dhax dhaca khadka.
F/G. Hadii aad ubaahantahay in lagaa caawiyo sameynt website leh hosting ama free hosting ah sidoo kalana aad hesho fasaxa xayeysiinta Google ka (google Adsense approval) nagala soo xarrir halkan : qoobey@shaqo-online.com
Si koob hadan kugu sheego waa ganacsi/dulaan khadka wax lagu kala iibsado.
Sanadii 1994 bishii August 11dii Dan Kohn oo aha 21jir lahaana website lagu magacaabo NetMarket Aya sameyay iibki ugu horeeyay ee ganacsigaan e-commerce, website kiisa waxa uu saaxiibkiis kaga iibiyah CD qiimahiisu aha 12.48$.
Tan iyo xiligaas ganacsiga e-commerce waa uu sii koraayay ilaa maanta uu noqday nooca shirkadaha caalamka ubateen waxaana fududeyay tiknoolajiyada sii koreeysa
Noocyada E-commerce
Ganacsiga e-commerce waxa uu ukala baxa 4 nooc
1. Business to Consumer (B2C)
Waa marka ganacsade/shirkad ay alaab ama adeeg ka iibiso macamiil
Tusaale
Waxaad kabo ka iibsatay tafaariiqle ama shirkad sida Alibaba
2. Business to Business (B2B)
Waa marka shirkad ay alaab/adeeg ka iibiso shirkad kale
Tusaale
Alibaba software ka ay isticmaalan waxa ay ka iibsaden shirkad kale oo adeegas ka ganacsata
3. Consumer to Consumer (C2C)
Waa marka macamiil uu alaab ka iibsado macamiil kale
Tusaale
Babuurkaga marka aad iskaga iibiso suuqa Facebook marketplace ama eBay oo aad qof kale ka iibiso
4. Consumer to Business (C2B)
Waa marka macamiil alaab/adeeg ka iibsado shirkad ama urur.
Tusaale
Qof bulshada caan ka ah sida ciyaar Yahan ama samafale ayaa Instagram kiisa waxa u so dhigaya xayeeysiin ama shout-out u samenayay shirkad/urur waxa uuna ku qaadanaya lacag
sidee loo bilaawaa E-commerce
Si aad ubilaawdo ganacsigada e-commerce raac talaabooyinkaan
1. Evaluate the audience and the demand for a product
Marka ugu horeeso qiimeen ku samee badeecada/adeega suuq loogu baahi badanyahay ama macaamisha ugu gadasho badanyahay si aysan hadhow kugu dhicin macamiil yari
2. Research the competition
Marki aad ogaato badeecada nooca loogu baahida badanyahay ama loogu gadasho badanyahay waxad baaritaan ku sameesa tartamayaashaada/suuq leyda kale ee nooca aad gali rabto ku jiro iyo sida ay wax uqabtan,waxa aad isleedahay hada kuso kordhiso suuqa wa ka macamiil so jiidasho badnaa karta. Intaas iyo ka badan ba ka so ogow tartamayaashaada.
3. Research business models and sales strategies.
Ku samee baaritaan hababka ganacsiga iyo xeeladaha iibinta si aad u hesho xeelado ki sahlayo in aad ka hormarto tartamayaashaada
4. Name and register your business.
U sameeso magac so jiidasho leh ganacsigaaga Soona diiwangasho
5. Establish your branding and design a logo.
Sameeso logo ku gaar ah si ay astaan ugu noqoto ganacsigaaga
6. Create your product.
Samee badeecada aad iibin laheed ha noqoto mid adiga aad leedahay ama mid aad tafaariiqle ahaan ugadeesid oo diyaar ha kuu sii ahaaato ama ku sii qornaato inta aadan bilaabin iibinta
7. Determine manufacturing costs and processes.
Cadeey qiimaha aad badeecada iyo gaarsiinteda gadi laheed iyo oo faa'iido kula jirto
8. Buy a URL and create your website.
Sameeso website kuu gooniya oo staantaada wata
9. Develop a marketing plan for attracting and converting customers.
Sameeso xeelado suuq geyn oo aad ku soo jiidan karto macamiil wax ka iibsata.
10. Secure social profiles and start building a following.
Ku lahaaw cinwaano baraha bulshada sida Facebook page, Instagram, YouTube
11. Launch your online store.
Ugu danbeen ganacsigaaga e-commerce ama dukaankaagi online ka ka shaqeysi oo fur .
Gunaand
E-commerce waa iibsashada ama iska iibta alaab ama deeg iyo xogta macamiil iyo wadaaga lacagaha kaso ka dhaca khadka,waa ganacsi hadii aad si fiican u barato aad ka samee karto daqli.
hadii aad rabto in aad bilaawdo marka hore isku day in aad si fiican u barato sida E-commerce loo sameeyo,sida loo kobciyo tababardaas ayago free ah waxaad ka heli karta YouTube waxa aan inta kugu la wadaagay waa kormar guud ee E-commerce.
F/G. Hadii aad ubaahantahay in lagaa caawiyo sameynt website leh hosting ama free hosting ah sidoo kalana aad hesho fasaxa xayeysiinta Google ka (google Adsense approval) nagala soo xarrir halkan : qoobey@shaqo-online.com
hadii aad qabto wax su'aal ah noogu reeb comments ka mahadanid
0 Comments