Header Ads Widget

wa maxay stock market investment(maalgashiga suuqa saamiyada)-guide for beginners



marka ugu horesa anigu ma ihi la taliye dhaqaale (financial advisor) waxaan maqaal kan idin kula wadaagi doona xogta laga qoray maalgashiga suuqa saamiyada (stock market) iyo qaababka uu kla yahay si aad ufahanto nooca kugu haboon ee aad maal gashan kartyo.

wa maxay stock market investment(Maalgashiga suuqa saamiyada) ?

Maalgashiga suuqa saamiyada(stock market investment)waa hab aad lacag meel dhigto(suuqa saamiyad) oo inta aad nolol maalmeed kaaga ku mashquulsan tahay  lacagtaas ay kuu shaqeyso si aad mustaqbalka si buuxda u gurato faa'iidada lacagtadi. Maalgeliyaha caanka ah ee Warren Buffett wuxuu ku qeexay maalgelinta " waa in aad lacgtaada meel dhigata(stockmarket) adigoo rajadada tahay in mustaqbalka kuu dhasho lacagtii mid ka badan).

hadafka maal gashigu waa inaad lacgtaada ku shaqa galisaa nooc ka mid ah nooc yada maalgashiga adiga oo rajeynaya in ay kuu kororto mustaqbalka dhaw.
inta aadan galin suuqa saamiyada(stock market) marka hore ogoow maalgashade nooce ayaad ubaahantahay in aad noqoto.

Maalgaliye noocee ah ayaad tahay?

Kahor intaadan bixin lacagtaada, waxaad u baahan tahay inaad ka jawaabto su'aashan: Maalgaliye noocee ah ayaan ahay? Markaad furto akoon dilaal(broker account), dallaalada online ka ah(online brokers) ayaa ku waydiin doona yoolalkaaga maalgashi iyo heerka khatarta aad diyaar u tahay inaad wajahdo.

Maal-gashadayaasha qaarkood waxay rabaan inay gacan firfircoon ku qabtaan maareynta kobaca lacagtooda, halka kuwa kalena ay door bidaan ina loo hago.

Maalgashiga noocyadiisu waxa ay kala yihiin  stocks(saamiyada), bonds, exchange-traded funds (ETFs)(lacagaha lagu beddelo ganacsiga ), index funds(Tusmada miisaaniyadaha ), and mutual funds(maalgelinta wadaagga ah). 

Dullaalinta khadka  ah (online brokers)

Dallaaliintu online ka waxa ay ukala baxan kuwa bixiya adeeg buuxa iyo kuwa bixiya adeeg qiimo dhimis. 

Dallaaliinta adeegga buuxa(Full-service brokers)

sida magacu tilmaamayo, waxay bixiyaan adeegyo dalaalnimo nimo dhaqameed(traditional broker), oo ay ku jiraan la-talin dhaqaale ee hawlgabka(retirement), daryeelka caafimaadka, iyo wax kasta oo la xiriira howlaha lacagta. Caadi ahaan waxa ay la macaamilaan kaliya macmiisha lacagta badan waxayna ku dalacaan kharashyo(fee) la taaban karo, waxa ay kharashyada(fee) kala saartan boqolkiiba wax kala iibsigaaga, boqolkiiba hantidaada ay maamulaan, iyo mararka qaarkood, khidmadda xubinimada sannadkii. 
kharashaadka (fee) badan ay ka qaadan macaamishooda waxa ay ku sababeeyan daba jooga hanitida iyo talasiinta macaamishoda

Dalaaliinta qiimo dhimista (Discount brokers)

Dalaaliinta qiimo dhimista ayaa ahaan jiray kuwa isticmaalkooda aan loo badneen balse hadda noqday kuwa loo badanyahay dillaaliinta qiima dhimista(Discount brokers) waxay ku siinayaan qalab aad ku aad ku dooran karto sida aad urabto in uu uu dhaco kala iibsiga ama maalgashigaga.
sido kale waxaad sameyn karta in aad hal si toos ah (automatic) uga dhigatid maalgashigaada oo aad danahaaga kale ka raacatid,Iyada oo booska adeegyada maaliyadeed uu horumaray qarniga 21-aad, dillaaliinta khadka (online) ayaa ku daray astaamo dheeri ah, oo ay ku jiraan agab waxbarasho oo aad ka heleesid bartooda ama goobahooda internetka(website)  iyo barnaamijyada mobilada(mobile app).

Intaa waxaa dheer, in kasta oo ay jiraan tiro ka mid ah dallaaliinta qiimo dhimista(Discount brokers) in ayna laheyn ama ay ku yartahay xadidaada dibaajiga ugu yar(minimum deposit restrictions),waxaa laga yaabaa inaad la kulanto xannibaado kale,iyo in lagu dalaco koontooyinkaaga kharashaad(fee) aan lahayn xadi deebaaji ugu yar( minimum deposit)Tani waa wax ay tahay in maalgeshadaha uu ku xisaabtamo haddii uu rabo in uu maalgashado saamiyada(stocks).

Robo-Advisors(la taliya aan ibnu aadan ahayn oo robot ah)

Kadib xiisaddii dhaqaale ee 2008, nooc cusub oo lataliyaha maalgashiga ayaa dhashay: robo-advisor(la taliya aan ibnu aadan ahayn oo robot ah). Jon Stein iyo Eli Broverman of Betterment ayaa inta badan loo tiriyaa inay yihiin kuwa ugu horreeya ee bannaanka keenay Robo-Advisors(la taliya aan ibnu aadan ahayn oo robot ah).Hadafkoodu wuxuu ahaa inay isticmaalaan tignoolajiyada si ay u yareeyaan kharashaadka maalgashadayaasha iyo hagaajinta talada maalgashiga.

Tan iyo markii la bilaabay Betterment uu soo banaan baxshay robo-advisor(la taliya aan ibnu aadan ahayn oo robot ah) waxa la aasaasay shirkado badan oo robo-advisor ah(la taliya aan ibnu aadan ahayn oo robot ah) sida  Charles Schwab oo ku sii dara adeegyo la taliye maalgashi oo robot ah(robo-like advisory services)

Sida laga soo xigtay warbixin uu soo saaray Charles Schwab, 58% dadka Maraykanku waxay yiraahdeen dadku waxay isticmaali doonaan nooc ka mid ah talooyinka robot ka (robo-advisor) marka la gaaro 2025.Haddii aad rabto algorithm si aad u sameyso go'aamo maalgashi, oo ay ku jiraan dib uso celin qasaarada canshuurta(   tax-loss harvesting) iyo dib u dheelitirka(rebalancing), markaa waxa kugu haboon in aad isticmaashaa robo-advisor(la taliya aan ibnu aadan ahayn oo robot ah) sidoo kale waxa uu kaa caawinayaa tusmada guusha maalgashiga(index investing).

Maalgelinta Iyada oo loo marayo Loo-shaqeeyahaaga(nvesting Through Your Employer)

Haddii aad ku jirto miisaaniyad ciriiri ah, isku day inaad 1% mushaharkaaga geliso qorshaha hawlgabka(retirement plan) ee aad ka heli karto xarunta shaqada. haddii aad ku nooshahay soomaaliya oo addan heleen qorsha howl gabka(retirement plan) ha is dhigan oo lacgta mushaarkaada 1% keydso kadibna la raadso wax aad ku maalgashato oo kuu mira dhala.Xaqiiqdu waxay tahay inaadan tabi doonin oo aadan ubaahan doonin lacagtaas.

maalgashiga noocan waxa uu in badan anfacaya dadka ku nool dalalka ay ka jirto qorshaha howlgabka(retirement plan) balse soomlida ku nool soomaaliya waxa ay ku badala karaan in ay keyd sadaan kadibna ay fikrad ay ku maalgashan la raadsadan ama ay gashtaan dhul.

Inta ugu yar ee lagu furayo koonto(Minimums to Open an Account)

Hay'ado maaliyadeed badankod ayaa leh shuruudaha deebaajiga ugu yar(minimum deposit requirements). Si kale haddii loo dhigo, ma aqbali doonaan codsigaaga koontada ilaa aad dhigato lacag cayiman oo ay shirkadu shuruud uga dhigtay macaamiisheeda,shirkadaha ayaan ku 0golaanayn inaad ku furata koonto wax ka yar 1000$.

waa ina aad ku soo sameysaa baaritaan tixraac yada dullaalinta(broker reviews) ka hor intaadan go'aansan meesha aad rabto inaad ka furato koontada.

komishanka iyo khidmadaha(Commissions and Fees)

sida dhaqaalayahanadu ay ku maah maahan (ma jirto la dhaho qado lacag la'aan ah )(here ain’t no such thing as a free lunch),inkasto dhawaaan dallaaliin farabadan ay isku dayeen in ay yareeyan ama baabi'iyaan komishan ka ganacsiga(trades), iyo ETF-ga  ayagoo u balan qaadaya tusmo maalgashi(index investing) qof walba oo ganacsan kara koontada dilaaliinta ee lafaha qaawan(bare-bones brokerage account)  sikato ay ahaataba dallaal walba waxa uu lacg ka sameeya macaamishiisa taasina waa mid ayna usuura galeynin in komishin yar ama komishin la'aan loogu shaqeeyo macaamiisha.

inta badan dallaalintu waxa ay komishin kugu dalacyaan markasto oo aad ganacsi saami(trade stock) oo aad iska iibisa ama aad soo iibsata saami(stock), lacagaha komishka lagugu dalacayo waxa ay u dhaxeeyan  2 doolar ilaa  10 doolar.
maalgalinta wadaaga ah(Mutual Fund )
Ka sokow khidmadda ganacsiga ee lagu iibsanayo sanduuqa wadaagga ah, waxaa jira kharashyo kale oo la xiriira maalgashiga noocan ah. Maalgelinta wadaagga ah(Mutual Fund ) waa in dad badan lactooda dullaalka ugu maalgaliya hal saami(stock).
maal gashiga noocan waa mid aad ku gali kartif lacag yar waxaana la sheega in uu yahay mid ku haboon maalgashadaha suuqa ku cusub.

maalgashiga kala duwan(Diversify trade)

waa in maalgashadaha uu maal gashta dhowr saami(stock) oo kla duwan taasi oo laa yareeneesa jabka suuqa maalgashiga kaaga imaan laha.
sababto maalgashiga noocaan ah hal saami(stock) oo aad qasaarta ma ku keenay jab weyn oo aad suuqa uga baxdid oo waxa kuu badbaaday wali kuwi kale.

matalayaasha suuqa saamiga(Stock Market Simulators)

dadka ku cusub maalgashiga oo raba ayaga oon qasaarin in ay helaan qibrad ku filan waxa aad u an facaya qalbkaan matalayaasha suuqa saamiga(Stock Market Simulators) oo ah mobile app ama website oo aad koonto beenha ku baraneesid qaabka suuqa wax looga iibsado ama la iska iibiyo sida app ka soomalidu IQ Option.

waa maxey qatarta maalgashiga suuqa saamiyad?

maalgashigu waa balanqaado faa'iido ee lacagtada kuna wajahan dhaqaalaha mustaqbalkaaga,balse maalgalin walba waxa ay leedahay qatarteeda, waxaa suura gal in mar walbo maalgashi uu san sameyn kor kac sidaa darteed waa in aad ku sii xisaabtantaa qatarta kaaga imaanta maalgashiga sidi aad uwajahi laheed.

Gunaanad

maalgashiga suuqa saamiyada(stock market investment) waa maalgashi uu bahan tababar iyo fahan badan in aad ka heesata ka hor in aadan lacagtada galin suuqa saamiyada (stock market)

xogta aan idinla wadaagay ujeedkeedu waxa uu aha in aad fahan guud ka qaadtid suuqa saamiyada.hadii aad ravto in aad mallgashato suuqa saamiyada hadaba sameey baaritaan ka badan in aad halkaan ka fahantay oo la kaasho ndadka qibrada u leh maalgashiga suuqa saamida.

wixi su'aak ah niigu reeb comments ka hoos mahadsanid

Post a Comment

0 Comments