Header Ads Widget

waa maxay Digital Marketing? - guide for beginners 2022



 Waa maxay suuqgeyn dhijitaalka ah(digital marketing)? Waa maxay sababta loo gu baahan yahay? Sideese ayaad ugu guulaysan kartaa? maqaalkan ku saabsan suuqgeynta dhijitaalka ah(digital marketing)  waxaan qeyb walba uga hadli doonaa si qoto dheer  si aad si fiican u fahanto mawduuca.

Suuqgeynta dhijitaalka ah(digital marketing) wa hadal haynt ugu badan marka la joogo ganacsiga online ka masa aha wax cusub.

sanadii 1895 waxa la sameeyay raadiyihi ugu horeeyay taas oo u dhiganta suuq geynta dhijitaalka(digital marketing) nooceedi ugu horeeyay in uu soo bilawday xiligaas.

Waxaa jira fikrado badan oo khaldan oo ku saabsan suuq-geynta dhijitaalka ah(digital marketing). Tusaale ahaan, dadka qaar waxay u maleynayaan in Suuqgeynta-internetka (Online marketing) iyo suuq-geynta dhijitaalka ah(digital marketing) ay isku mid yihiin, taas oo aan sax ahayn.

Suuqgeynta intarneedka (Online marketing) wa qeyb ka mid ah  suuq-geynta dhijitaalka ah(digital marketing) oo ah in aad xog kula wadaagta dadka  adiga oo isticmaalaya khadka (internet)

halka suuqgeynta dhijitaalka ah (digital marketing) ay tahay suuq-geyn (marketing) kasta oo loo isticmaala qalab elektaroonik ah (electronic devices) sida radio ama telefishin (TV) ama suuq-geyn online ah  (Online marketing) side website yada,baraha bulshada .

waa maxay Digatal marketing (suuq-geynta dhijitaalka ah)

Suuqgeynta dhijitaalka ah (digital marketing) waa qayb ka mid ah suuq-geynta taaaso adeegsata internetka iyo tignoolajiyada dhijitaalka ah ee ku saleysan khadka sida kombuyuutarrada miiska, taleefannada gacanta iyo warbaahinta kale ee dhijitaalka ah iyo aaladaha si kor loogu qaado badeecadaha iyo adeegyada. Wikipedia 

Waa maxay sababta loo isticmaalo Suuqgeynta Dijital ah?

Waqtigu wuu isbadal ganacsiguna wuu isla badal,
Ganacsi walba ee aduunka ka jira waxa uu ubaahanyahy in uu helo iib fara badan,maacmiil iyo faa'iido si uu intaas u helana wax uu  isticmaalaa suuq-geyn dijitaalka ah(digital marketing).
Google iyo baraha bulshada sida Facebook, Instgram waxa laga hela daqli fara badan sababto ah waxa isticmaala dad badantaasina waa mida ka dhigeesa Suuqgeynta dhijitaalka ah (digital marketing) agab muhiim u ah ganacsiga.

sababaha kugu qasbaya isticmaalka Suuqgeynta dhijitaalka ah (digital marketing) waxa ka mid ah:

macamiishada waxa ay isticmaalan khadka

waxaa qadka isticmaala 5 billion qof waxa ila April 20222 ku so korortay 200 milion qof waxa la sheega tira dad ka aan khadka isticmaalin in ay ka yartahay 3 billion kuna nool Koonfurta iyo Bariga aasiya,afrika.
Hadaba qiyaas awooda ay heli karto suuq-geynta fikradaada ganacsi.

Suuq-geynta Dijitaalka ayaa ah ,id aad awoodi karto lehna faa'iido

Suuqgeynta dhijitaalka ah(digital marketing) ayaa hadda inta badan ah suuq-geyn loo maro khadka.
Kharashka aad ku socodsiineyso xayaysiisyada onlineka ayaa ah mid ka jaban baahinta xayaysiisyada telefishinka. Tusaale ahaan, kanaalka TV-ga qaranka waxaa laga yaabaa inay kugu kacdo $120,000(waa mid ka wadama reer galbeedka) si aad u socodsiiso xayeysiis 30 ilbiriqsi ah.
halka in aad sameesa xog oo aad dadka kula wadaagta baraha bulshada ay kugu qaadaneeso xooga lacag ah sidoo kale suuq-geynta dhijitaalka ah (digital marketing) waxa ay kuu soo celinaasa faa'iido lacag ka badan mida aad ka xeli laheyd suuq-geynta dhaqameed (traditional marketing ) sida Tv yaga iyo idaacaaha.

Tartamayaashaada ayaa Sameeynooyo

Ganacsi walbo ee kugu nooc ayaa isticmaala suuq-geynta dhijitaalka ah (digital marketing) si aad uga hormarto tartamayaashaada adna waa in aad isticmaasha suuq-geynta dhijitaalka ah (digital marketing) .

9 ka qeyb ee ugu weyn suuq-geynta dhijitaalka ah (digital marketing) 

waxa ay 9 ka qeyb e ugu weyn suuq-geynta dhijitaalka ah (digital marketing) wa sidan :

  1. Content marketing
  2. Search engine optimization
  3. Search engine marketing
  4. Pay-per-click advertising
  5. Social media marketing
  6. Email marketing 
  7. Mobile marketing 
  8. TV & radio marketing
  9. Electronic billboards

aan u guda gal no mid-mid

1. content marketing (suuq-geynta xogta)

waa nooc suuqgeyn ah oo ku shaqeesa abuurista xog  iyo sida muuqaalada(youtube video), maqaalada baloogyada(web artcicles) iyo wax walba oo laxariira xog abuuris oo aad dadka  kula wadaageesid baraha bulshada(Qoura,facebook,youtube,twitter and more) kuwaas oo loogu talagalay in lagu suuq geeyo (marketing or promoting) badeecadeeda ama adeegyadeeda. 

Tusaale

si aad u suuq-geyso badeecooyinka la isku caateeyo waxa aad abuureesa ama sameynesa xog (qoraal ama muuqaal) aad uga hadlesid sida loo isticmaalo badeecadaas iyo inta jeer ee la isticmaalo sido kale faa'iidooyin keeda iyo khasaaraheeda kadib waxaad xogtaas dad kula wadaaeesa baraha bulshada(Qoura,facebook,youtube,twitter and more) adiga oo u raacinaya likn ah mesha ay ka iibsadaan san karaan.
suuq-geynt noocaan waxa inta isticmaala affiliate marketers(dullaalinta suuqa-geynta)

maxaad u baahantahay in aad sameyso

  1. qor yool ka hadaf kaaga
  2. fahan macaamiishaada (audience) waxa ay xiisenayaan iyo sida ay isku  bad badalaan
  3. Dooro xogta ku haboon macaamishada (audience)
  4. sameeso jadwalka aad ku diyaarin laheyd xogtada

2.Search Engine Optimization (SEO)

si kooban hadii aan kugu sharaxo Search Engine Optimization (SEO)  wa in aad ku dadaasha in xogtaadi(maqaalki ama muuqaalki) uu ka mid noqdo kuwa ugu  horeeya ee ka soo muuqda baraha dadku wax ka raadiyaan sida Google,YouTube iyo kuwa kalo badan adiga oo isticmaalya eraya(keywords) ugu raadinta badan.
waxa jiro adeegyo (service) la isticmaalo oo ka caawinay in xogtaada  ka mid noqdo kuwa ugu  horeeya ee ka soo muuqda baraha dadku wax ka raadiyaan.

maxaad u baahantahay in aad sameyso

  1. fahan waxa (keyword) ugu badan ay macaamiishadu (audiance) raadiyaan
  2. samey baaritaan ah eray raadinta (keyword) ugu badan
  3. dooro eray raadinta (keyword) ugu fiican
  4. samey xog ku saleysan eray raadin (keyword) isla markaana faa'iido u leh macaamishada (audiance)

3. Search Engine Marketing (SEM)

waxa ay ka ag dhawday SEO marketing waxa kaliya ay kaga duwan tahay ayaa ah in aad faa'iido ka heleysid Search Engine Marketing (SEM) adiga oo isticmaalaya xayeeysiino.

4.Social Media Marketing

waa in aad ganacsigaga ku suug geysa baraha bulshada sida Instgram , facebook, Twitter IWM sababto ah baraha bulshada waxa aad ka helesaa macamiil fara badan
baraha bulsha wa ay tira badan yihiin balse ganacsiga noociisa iyo ujeedoyinkaaga aya xadida barta aad ka dooneesid baraha bushada.
Tusaale: hadii ganacsigaadu yahay mid ku kooban somalia\ya barta ugu  badan ee ad ka heleeso macaamiishada waa facbook oo soomaalida soomaliya joogto u badan tahay balse hadii ganacsigaaga uu yahay mid aan ku koobneen soomaliya waxa aad isticmaali karta Qoura, linkdin, Pinterest adigo u fiirinaya nooca iyo ujeedooyinkaaga.

maxaad u baahantahay in aad sameyso

  1. baro macamiishada (audiance)
  2. abuur xog ah nooca ay jecel yihiin
  3. baro la tartamayaashaada
  4. la fal gal macaamiishada (subscribers,followers.audiance)

5. Email Marketing 

Email marketing waa nooc ka mid ah suuq-geynta oo ku lug leh dirida fariimaha email ka oo aad kula wadaagesid macamiishaada xog isla markaana aad ku suuq-geynesid badeecadaadi ama badeeco aad ka tahay dullaal.

maxaad u baahantahay in aad sameyso

  1. baro macamiishada
  2. usamee sabab ay dad ka iska soo diiwan galiyan barnaamijka  fariimaha email kaga
  3. samey fariin soo jidasho leh
  4. dooro eamil marketing service kuu howl fududeeya

6. Mobile Marketing

Suuqgeynta moobilka waxa ay ka kooban tahay dhammaan noocyada suuqgeyn dhijitaalka ah ee aan halkan kaga hadlay. Laga soo bilaabo warbaahinta bulshada ilaa emails, wax walbaa hadda waa telefoonka. Waxaad u baahan tahay inaad sare u qaaddo(promote) macluumaadkaaga(articles,videos) si loogu adeego telefoonnada gacanta ee macaamiishaada.

7. TV & Radio Marketing

sida aan kor kuso cadeeyay raadiyaha iyo telefishinka waxa ay ka mid yihin suuqgeynt dhijitaalka ah,xilligan hadda la joogo dunida oo dhan waxa ay isku timid khadka balse ilaa wali waa la isticmaala suuq-geynt raadiyaha iyo telefishinka.
waxa ay u baahantahay in aad barato macaamiishada,sameeyso xog soo jiidasho u leh macaamishada , sido kale raadiso raadiyowga ama telefihinka loogu daawo badan yahay.

8. Electronic Billboards

boorarka dhalada ah ee ku dhagan wadooyinka ama kuwa soomaaliya laga isticmaalo ee buufiska ah gabigood waa nooc ka  mid suuq-geynt dhojitaalka ah.
talaaboyin aad raaceesa wa sida kuwa kor ku xusan.

Gunaanad 

wa aan si kooban uga  soo hadlay suuq-geynta dhijitalka ah waxa ay tahay,inta ay u qeybsanto,iyo faaidoyinkeeda .
qeyb walba oo suuq-geynta dhijitaalka ah ka mid ah waxa ay ubaahantahay in looga hadlo si gooni ah, insha allaha 4ta qeyb ee ugu weyn ayaan mid walbo maqaal gooni ah uga hadli doona.


hadii aad qabto wax su'aal ah noogu reeb hoos mahadsanid.

Post a Comment

0 Comments